Meydka Suldaankii Jareerweyne ee Jubbooyinka Oo La Aasay.(Sawirro)

Alle ha u naxriiste Suldaan Cabaas Maxamed Xaaji suldaankii beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka oo uu Maraykanku shalay ku diley duqeyn ka dhacday duleedka Kamsuuma ayaa lagu aasay wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.

Boqollaal kamid ah dadka Musllimiinta ah iyo qaraabada suldaanka ayaa ka qeybgalay janaasada sheekha iyo duugistiisa, waxaana sida ka muuqata sawirro laga qaaday meydka suldaanka ka muuqda in gantaalku ka asiibay qeybaha dambe ee jirkiisa.

You might also like
1 Comment
  1. Abuufatima says

    Suldaaniyo ugaasyiyo ninaan sabi yar dhaafaynin
    Saqiirada nin kaa gawracoon saamaxayn culumo
    Sawirada inuu caawiyiyo samo kadhaw raaya
    Su, aalaan u dirayaan rabaa soomaloo idile
    Sadka gaalka laga dhawrayiyo saaqid taba taagan
    Sarta niman inooga asii saanac shaydaana
    Misna suniyo dhuun kaal ahiyo saaxir iyo tuugo
    Ayagaa saboolnimo nabaday saahir aan harine
    Ayagaa sagaal noo jarjaray waqay sun daacaane
    Silicaba ayagaa nabaday iyo sidaan nahaye
    Ayagaa sunoo aasay iyo saariqi nuglayre
    Sadex bay intay naga xusheen nagu sag saageene
    Midu waa sandaqada Ictisaam ee waftawada siine
    Midna waa dayuus baro saciyo sooru nimay qaaday
    Midna waa salaadiin kufrigu naga dhex soondeene
    Sadex daad kobtii lagu arkaba soodhka mari weeye
    Seef iyo bilaawoho mariyo qoor sakiban weeye
    Saaf lagu jaraa madax yadoo dhiigu socon weeye
    Jawaasiis saliibigu qortiyo saaxir wada weeye
    Siryo dhagar sifadi loo dilaba saxiyo daw weeye
    Suldaan kii in loo aaro oo dhiigu
    socon weeye

Leave A Reply

Your email address will not be published.