Qaraxyo Askar iyo Saraakiil ku dhinteen Oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo xoogan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Qaraxa koobaad waxa uu ka dhacay nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala eegtay sarkaal iyo askari la socday oo saarnaa Mooto.

Waxaa qaraxa ku dhintay sarkaalka oo laba xidigle ah laguna magacaabi jiray Xasan Faarax, iyo askarigii la socday oo la oran jiray Cusmaan Jawaarey, mootada ay wateenna way burburtay.

Sidoo kale qarax ayaa ka dhacay degmada Afgooye, kaas oo lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda federaalka, askarina ayaana ku dhaawacmey.

Qarax kale oo ka dhacay degmada Shalambood ayaa isagana waxaa ku dhaawacmey askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.