Qaraxyo iyo Dilal ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo duleedka Muqdisho.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay toogteen askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Deegaanka Garasbaalley ee duleedka magaalada Muqdisho ayuu ka dhacay dilkan, waxaana markaas kadib ay ka baxsadeen raggii dilka geystay goobta uu howlgalku ka dhacay.

Dhanka kale, qarax xoogan ayaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Uganda oo ku lugeynayay inta u dhexeysa Shalambood iyo Danow.

Qaraxa ayaa gallaaftay nolosha askar katirsan Shisheeyaha, hase ahaate ma aynaan helin tirada  rasmiga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.