Qaraxyo Xillibaano iyo Gudoomiyaal ku dhaawacmeen Oo ka dhacay Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay qaraxyo xoogan oo lala eegtay xubno katirsan maamulka Hir Shabeelle iyo sidoo kale ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Mid kamid ah qaraxyada waxa uu ka dhacay saldhiga booliiska ee Jowhar, waxaana waxyeello kasoo gaartay xillibaan katirsan maamulka Hir Shabeelle, Gudoomiyaha deegaanka Ceel baraf iyo labo askari oo katirsan askarta Hir Shabeelle.

Qarax kale oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ayaa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Burundi, waxaana si buuxda u burburay gaari Taw ah oo ay saarnayeen askarta Shisheeyaha ee qaraxa lagu beegsaday.

Jowhar iyo guud ahaan goobaha ay Shisheeyaha iyo Hir Shabeelle ka joogaan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dahca howlgallo qorsheysan oo gallaafta nolosha askar iyo saraakiil katirsan Shisheeeyaha iyo maamulka Waare.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.