Roobabka Guga oo si wanaagsan u da’aya iyo Magaalooyin ay Daadad ku dhufteen.

Gobollada Soomaaliya waxaa ka da’aya roobabka Guga, kuwaas oo si wanaagsan u da’aya, waxaana meelaha qaar uu roobku wataa dabeylo saameyn dhaliyay.

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in webiga uu sameeyey fatahaad sababtay in magaaladu ay gebi ahaanba kala go’do.

Fatahaada webiga waxay timid ka gadaal markii roobab wanaagsan ay ka da’een magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Jaziiradda Madhawaa ee gobolka Jubbada hoose ayaa iyana waxaa ka da’ay roobab dabeylo wata, kuwaas oo burburiyay xarumo ganacsi iyo guryo ay dadku lahaayeen.

Dadka kunool Jaziiradan waxay codsadeen in gurmad loo soo sameeyo, si dadka loo badbaadiyo, maadaama ay ku dhex noolyihiin badda.

Magaalada Qardho oo katirsan gobollada wuqooyi bari ee Soomaaliya ee uu ka arimiyo maamulka Puntaland ayaa iyana kamid ahayd magaalooyinka uu saameeyey roobka, waxaana magaalada kusoo rogmey daadad biyo ah oo kasoo rogmaday buuraha.

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay daadadkan, waxaana ku hanti beelay dad badan oo deganaa magaalada.

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa iyadana waxaa ka da’ay roobab xoogan, oo dhaliyay waxyeello kala duwan.

Inkabadan toban guri ayaa ku dumay magaalada Burco, waxaana jirin gurmad ay ka helaan maamulka Soomaali land ee halkaas ka taagan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.