Sarkaal katirsan Sirdoonka DF Oo Muqdisho Lagu dilay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda federaalka.

Howlgalkan dilka ah oo ka dhacay degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa lagu dilay sarkaal magaciisa lagu soo koobay Facow.

Raga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga tagay, waxaana meydka sarkaalka goor dambe goobta ka qaaday ciidamo katirsan Dowladda federaalka.

Dhanka kale weerar ka dhacay Sar kuusta oo u dhow isgoyska Ex Controol Afgooye ayaa waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weerarka, waxaana markaas kadib ay dib ugu laabteen goobihii ay duulaanka kasoo qaadeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.