Sheekh Fu’aad Muxamad Khalaf Oo ka hadlay Cudurka Coronavirus.
Sheekh Fu’aad Muxamad Khalaf oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa si xeeldheer uga hadlay cudurka Coronavirus ee ka dillaacay inta badan caalamka, laayayna kumanaan qof.
Isagoo boqollaal qof kula hadlayay masjid ku yaala Wilaayaadka islaamiga kadib salaadda Jimcaha ayuu Sheekh Fu’aad sheegay in cudurkan uu yahay cadaab uu Allaah usoo diray gaalada, iyaguna ay ku faraxsanyihiin dadka reer galbeedka ah ee uu leynayo.
Wuxuu si gaar ah ugu xeeldheeraaday dulmiga dowladda Maraykanka iyo gabood fallada ay ka geysaneyso caalamka Islaamka, taas oo uu sheegay in Allaah uu ka jawaabay, kuna salladay cudurka Coronavirus.
Halkan ka dhagayso kalimadda Sheekh Fu’aad ee ku saabsan Coronavirus.