Taliyihii Saadka Guutada 12-ka April Oo Muqdisho lagu dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan lagu dilay taliyihii saadka ee guutada 12-ka April oo kamid ah ciidamada milliteriga dowladda federaalka.

Qaraxan oo ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo uu watay sarkaalka iyo askar la socotay, waxaana ka dhashey khasaare kala duwan.

War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in qaraxan ay ku dishey taliyihii saadka ee guutada 12-ka April, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Wagarow, iyo ciidamo tiro badan oo la socday.

Jugta qaraxa waxaa si weyn looga maqlay xaafadaha degmada Hodan, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada joogtada uga dhaca Muqdisho ee lagu beegsanayo xubanaha, askarta iyo saraakiisha Dowladda federaalka.

You might also like
1 Comment
  1. Abuufatima says

    Saad kiisu naar noqoy
    Saqarana hoyaad kiis
    Ladaa saaftay hilib kiis
    Jahanamo ka soo toos
    Salka loo dhig boolis
    Silic Eebahay bade
    Saliibiga dalkeeniyo
    Soomaali qayb saday
    Saaxiib haduu yahay
    Samaan nama dhex taaloo
    Soorka iyo tareesada
    Waa in lagu sakiba oo
    Sanka laga dalooshaa
    Saaxir faalaloowoo
    Samaan taba an yeelayn
    Soomaali baan nahay
    Musilm saafiyaan nahay
    Saxaabadadhasheediyo
    Salaf ubadki baab nahay
    Suubanaheena moxameda
    Salalaahu calayhi wasalam
    Sunadiisa kaan rabin
    Sinjigeena maahee
    Waa saaxir kaadiba
    Saaf baana cuniyoo
    Shabaab saahidiinoo
    Sina cadaw u bixinayn
    Yaa seedihiyo jari
    Surka iyo margiyadoo
    Seexan maayo gaal nabad

Leave A Reply

Your email address will not be published.