Xillibaan katirsan Baarlamaanka Oo Muqdisho Ku Geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ku geeriyooday xillibaan katirsan baarlamaanka Dowladda federaalka, kaas oo mudooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay.

Xillibaan Aadan Moobleen oo katirsan Baarlamaanka DF ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay uu la xanuunsanaa cudurka Macaanka oo uu qabay, taas oo keentay ugu dambeyn inuu u geeriyoodo.

Gudoonka Baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa xaqiijiyay geerida Xillibaankan, oo  sidoo kale ahaa Xoghayaha qeybta maaliyadda ee Xilibaanka Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.