Abuu Cabdalla: Colaada Beelaha waxaa hurinaya Itoobiya iyo Kenya.

Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla oo waraysi siinaya Al-Furqaan.

Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla waaliga wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa si qota dheer wuxuu kaga hadlay dagaallo soo noq noqday oo u abaabulan hab qabiil, kuwaas oo ka dhacaya goobaha ay Shisheeyaha ka joogaan Soomaaliya.

Waaligu wuxuu sheegay in colaadahaas ku dhisan habka qabiil ay hurinayaan Shisheeyaha gaar ahaan dowladaha Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay ineysan dooneynin horumar iyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla wuxuu sheegay in dagaalladaas qabiilka ku dhisan aaney wax dan ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed, ayna yihiin dagaallo lagu Aakhira seegayo.

Waaliga, wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka waantoobaan dagaallada dhexdooda ah, ayna Allaah ka cabsadaan oo aaney dib ugu laaban dagaalladii sokeeye ee laga soo gudbay.

Halkan ka dhagayso Waraysiga Waaliga Jubbooyinka Sheekh Abuu Cabdalla uu siiyay Al-Furqaan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.