Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhigyo ciidan oo ku yaala NFD.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka NFD ayaa fuliyay weerar xoogan oo ay ku beegsadeen saldhigyo ciidan oo ay leedahay dowladda Kenya.

Weerarkan waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qorof Xaraare oo hoostaga Wajeer, waxaana uu dagaalku ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsadya hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan labo saldhig oo ku yaala deegaankaas ayay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen, halkaas oo ay ka carareen inta badan ciidankii Kenyaatiga ee joogay.

Ciidamada  Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay kaloo dab qabadsiiyeen xarunta shirkadda Safaricom ee deegaanka, taas oo ah shirkad isgaarsiin oo ay leedahay dowladda Kenya.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkan,  waxayna dowladda Kenya qirtay inuu jiro weerarkaas.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.