Askar katirsan Shisheeyaha Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Shisheeyaha qarax maalintii shalay lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaariga uu qaraxu haleeley wuxuu qeyb ka ahaa kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha Uganda, wuxuuna ahaa nooca xamuulka, gebi ahaanna qaraxa ayuu ku burburay.

Ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha Uganda ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan oo ka dhacay inta u dhexeysa Shalambood iyo magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarada kala duwan ee beegsanaya ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ayaa joogta ka ah goobaha ay ka joogaan wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.