Askari Lagu dilay Baydhabo, Qorigiina laga Furtay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu dilay askari katirsan ciidamada milliteriga maamulka Koonfur galbeed ee ka hoos shaqeeya ciidamada Xabashida ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab ayaa dilka askarigan geystay, kuwaas oo markaas kadib ka furtay qori nooca AK ah oo uu ku hubeysnaa.

Goor dambe waxaa halka uu dilka ka dhacay soo gaaray  ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed, kuwaas oo qaaday meydka askariga, iyadoo xilli hore ay goobta isaga tageen raggii dilka geystay.

Baydhabo waxay kamid tahay magaalooyinka ku jira gumeysiga Xabashida, waxaana ka dhaca howlgallo ay fuliyaan ciiidamada Xarakada Al-Shabaab ee kasoo horjeeda kuwa Xabashida iyo cid weliba oo la socota.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.