Ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug Oo ku dagaallamaya Mudug.

Gobolka Mudug, waxaa markale ka qarxay dagaallo culus oo dhexmaraya malleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntaland iyo Galmudug, balse u abaabulan qaab qabiil.

Dagaallada ayaa waxay ka socdaan deegaan lagu magacaabo Taargow oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinacyada dagaallamaya waxay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyagoona helaya gurmadyo kaga imaanaya koonfurta iyo wuqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay ka kala arimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dadka ku dhaqan halka lagu dagaallamayo ayaa sheegaya iney dhibaato ku qabaan dagaalladan soo noq noqday ee u abaabulan qaab qabiilka.

Maamullada Federaaliisimka ee ay Shisheeyuhu ka dhiseen wadanka ayaa horsooday colaado aan hadaf ku fadhin oo ay kala dhex dhigaan dadka soomaaliyeed ee wada dhashey.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.