Diyaarad Ganacsi Oo lagu soo riday Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa ku waramaya in diyaarad siday sahaya caafimaad lagu soo riday garoonka diyaaradaha ee degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Diyaaradan oo ay leedahay shirkadda Africa Express ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxaa hubka lidka diyaaradaha ah ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku jooga Bardaale.

Diyaaradda ayaa burburtay kadib markii ay dhulka kusoo dhacday, waxaana ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa, kuwaas oo labo kamid ah ay Kenyaati yihiin.

Mid kamid ah labada ruux ee Kenyaatiga ah waxaa dhalay Muusa Bolhan oo ah milkiilaha shirkadda African Express, waxaana illaa iyo hadda la ogeyn waxa ciidamada Itoobiya ku riixay iney soo ridaan diyaaradan.

Wasiirka Gaadiidka ee dowladda federaalka Xasan Xuseen Maxamad oo hadlay ayaa xaqiijiyay iney diyaaraddan lagu soo riday degmada Bardaale, waxaana tallaabadan aad uga carooday shacabka Kenya, kuwaas oo eedeyn kala dul dhacay dowladda federaalka ee Farmaajo uu hogaamiyo.

Dowladda Itoobiya weli kama hadlin dhacdadan, waxaana baraha Internetka ku baahay sawirro laga soo qaaday diyaaradda dhulka lasoo dhigay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.