Gudoomiyihii maamulka Puntland ee Mudug Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Gaalkacyo.


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in camaliyad nafhurnimo ah lagu weeraray gudoomiyihii gobolkaas ugu magacaabanaa maamulka Puntaland ninka lagu magacaabo Axmed Muuse Nuur.

Gudoomiyaha waxaa lala dilay qaar kamid ah ciidamadii ilaalada u ahayd, waxaana qaraxa uu ahaa mid aad u culus oo jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin qaraxan lagu dilay gudoomiyihii maamulkaas ee gobolka Mudug.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.