Haween macallinimo Loo Tababarayay Oo Xaflad loogu qabtay Kuunya Barrow.(Sawirro)

Maktabka Dacwada wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose ayaa deegaanka Kuunya barrow ee gobolkaas wuxuu kusoo khatimey dowro in muda ah u socotay tiro haween ah, kuwaas oo loo diyaarinayay iney macallimiin ka noqdaan macaahida sharciga ah ee ka furan deegaanka.

Munaasabad si wanaagsan loo soo agaasimey ayaa ka dhacday mid kamid ah madaarista ku yaala deegaanka Kuunya barrow, halkaas oo ay kasoo qeybgaleen culimada diinta Islaamka, waxgaradka iyo masuuliyiin katirsan maktabka Dacwada ee wilaayada Shabeellaha Hoose.

25 Gabar ayaa qaatay dowradan macallinimada loogu tababaray, taas oo socotay inkabadan laba todobaad.

Horumarada ka jira wilaayaadka islaamiga waxaa kamid ah in haweenka Muslimaadka ay qeyb ka yihiin horumarka waxbarasho ee ka jira wilaayaatka, waxaana haweenku ay wax baraan dumarka asaagooda ah iyo caruurta da’da yar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.