Kenyaatiga iyo Askarta Jubbaland Oo lagu weeraray Jubbooyinka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro ballaaran ku qaadeen saldhigyo ciidamo katirsan kuwa Kenya iyo askarta maamulka Jubbaland ku leeyihiin qeybo kamid ah Jubbooyinka.

Saldhiga ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ayaa kamid ah meelaha ay xalay Mujaahidiintu weerareen, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Askarta Kenyaatiga ah ayaa lagu kediyay rasaasta, waxaana la maqlayay qeyladooda, taasi oo muujineysa cabsida soo wajahday.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerareen saldhig ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Cabdalla biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka waxa uu ahaa mid culus, islamarkaana ay Mujaahidiintu ku kediyeen askarta maamulka Jubbaland.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalladan, waxaase la rumeysanyahay inuu jiro waxyeello kala duwan oo gaartay ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.