Kudhawaad 10 askari Kenyaati ah oo lagu dilay weerarkii Wajeer.

Faafaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeen hore ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen labo saldhig oo askarta Kenya ku leeyihiin gobolka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ee ku jira gumeysiga Kenya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku ekeeyey labo saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada booliiska Kenya, kuwaas oo ku yaala degmada Qorof xaraar ee gobolk Wajeer.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa ka dhashey khasaare adag oo gaaray ciidamada Kenyaatiga, waxaana la xaqiijiyay in dagaalkaas lagu dilay 7 askari oo kenyaati ah, halka ay Mujaahidiintu kusoo furteen hub kala duwan.

Waxay weerarkaas sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ku gubeen xaruntii shirkadda Safaricom ee degmadaas, taas oo ah shirkad isgaarsiineed oo ay leedahay dowladda Kenya.

Dowladda Kenya dhankeeda waxay qirtay inuu jiro weerarkaas, inkastoo ay ka gaabstay iney ka hadasho khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidankeeda.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgallo kala duwan oo hubeysan waxay ka wadaan dhulka NFD iyo xeebaha oo ay degaan dadka Muslimiinta ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.