Liyu Booliis Oo Dad shacab ah ku dilay Soomaali galbeed.

Magaalada Jig-jiga ee Soomaali-galbeed.

Ciidamada ka hoos shaqeeya dowladda Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Booliis ayaa xasuuq arxan darro ah ka geystay deegaananda dhulka Soomaali galbeed ee ku jira gumeysiga maamulka Xabashida.

Tallaabadan wuxuushnimada ah ee dadka lagu laayay waxay ka dhacday deegaan lagu magacaabao Gebi case, waxaana malleeshiyaadka Liyuu Booliis ay dileen ugu yaraan afar ruux oo ay ku jiraan caruur iyo qof waayeel ah.

Mid kamid ah afarta qof, waa oday waayeel 80 sano jir ah, kaasoo ay si arxan darro ah u dileen malleeshiyaadka Liyuu booliis, halka laba kale oo kamid ah dadka la dilay ay ahaayeen caruur ay da’doodu u dhexeyso 3 sano illaa 5 sano.

Dadka deegaanka ayaa aad uga argagaxay tallaabada ay ku kaceen ciidamada u adeega Xabshida ee dhibaatada ku haya dadka soomalaiyeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida.

Waa dhacdadii ugu dambeysay oo qeyb ka ah dhacdooyin joogta ah oo ay ciidamada Liyuu booliiska iyo kuwa Xabashidu ku xasuuqeen dadka Soomaaliyeed ee dhulkooda xooga looga heysto, naftooda iyo diintoodana halis ba’an lagu hayo.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.