Maamulka Yahuudda Oo ku Daad gureynaya Filastiin Itoobiyaan Yahuud ah.

Dalka Itoobiya oo ah wadanka Nasaarada caalamiga ah ku matala geeska Africa, dagaal adagna kula jiro umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga daad gureynayo boqollaal ruux oo Yahuud ah, kuwaas oo la geynayo dhulka Muslimiinta ee Filastiin.

Waxaa lagu wadaa maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heysa in inkabadan 100 ruux oo Itoobiyaan Yahuud ah laga dejiyo dhulka Filastiin ee ku jira gumeysiga maamulka Yahuudda, kadib markii maamulka Yahuudda uu hoos u dhigay tallaabooyinka lagula dagaallamayo Coronavirus.

119 ruux ayaa duhurnimada Khamiista ka degi doona dhulka Filastiin ee xooga lagu heysto, kuwaas oo laga qaadayo magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana dadkan loo daad gureynayo Filastiin ayaa loo yaqaano Yahuuda Fallasha, waxaana ay ku badanyihiin dhulka uu xooga ku heysto maamulka Yahuudda.

Maalgelinta safarkooda ee ay ku tagayaan dhulka la heysto ee Filastiin waxaa bixinaya hay’adda qowmiga ah ee Yahuudda, waxaana qorshahan uu saameyn doonaa ugu yaraan afar boqol oo ruux oo Yahuud ah, kuwaas oo si xiriir ah u tagi doona dhulka Filastiin ee la heysto.

Dadka ka faallooda arimaha Yahuuda iyo Siyaasiyiintooda waxay tallaabadan ku tilmaameen mid xukuumadda Natanyahu ku dooneyso taageerada Yahuudda, maadaama xaalad doorasho ay weli ka taagantahay dhulka Filastiin ee ku jira gumeysiga maamulka Yahuudda.

Afhayeenad u hadashey wakaaladda Yahuudda ayaa sheegtay in hay’ado Yahuudu leeyihiin oo ka dhisan Maraykanka ay maal geliyeen qorshaha dad cusub oo Yahuud ah loogu soo daad gureynayo dhulka Filastiin, taasi oo ah qorshe lagu doonayo in muslimiinta Filastiin looga bato dhulkaas barakeysan.

Marka dib loo eego taariikhda, waxay inta badan Yahuudda iyo Nasaaradu dadaal dheeri ah ku bixin jireen in dadka aan muslimiinta ahayn ee ku nool wadamada Yurub iyo dhulalka kale lagu tartansiiyo iney soo degaan dhulka Muslimiinta ee Filastiin, waxaana qadiyadan taariikhiga ah lagu soo bandhigay barnaamijka Al-Xuruubu Saliibiyah ee ka baxa idaacadda Al-Furqaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.