Mahiga wakiilkii hore ee QM Soomaaliya Oo geeriyooday.

Augustine Mahiga oo ah siyaasi u dashey dalka Tanazaniya ayaa lagu dhawaaqay inuu ku geeriyooday caasimadda dalkaas ee Dadoma, kadib xanuun soo ritay.

Madaxweynaha wadanka Tanzaniya ayaa ku dhawaaqay in Mahiga oo hadda ahaa wasiirka dastuurka iyo arimaha sharciga ee dalkaas uu xanuunsanayay mudooyinkii lasoo dhaafay, islamarkaana uu dhintay markii la keeney isbitaal caafimaad.

Lama oga xanuunka soo ritay Mahiga ee uu u geeriyooday, dowladuna kama bixin faafaahin rasmi ah, waxaana suuragal ah inuu u dhintay cudurka saf mareenka ah ee Covid 19.

Augustine Mahiga ayaa horey usoo noqday wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa kaalintii ballaarneyd ee uu ka qaatay kala qeybinta dalka, iyo ololihiisa maamul goboleedyada lagu dhisayay.

Wuxuu sidoo kale ahaa nin marar badan meel kaga dhacay shacabka Soomaaliyeed, isagoo deganaa xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay ciidamada Shisheeyaha ka joogaan Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.