Shisheeyaha iyo Dowladda federaalka Oo lagu weeraray Jannaale iyo Bariire.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray difaacyada iyo saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ay ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Habeenkii xalay, waxay Mujaahidiintu weerareen difaacyada Shisheeyaha iyo Dowladda federaalka ee Jannaale iyo Baririre oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaallada waxay ahaayeen kuwa culus islamarkaana socday in muda ah, iyadoo la isku adeegsaday hubka fud fudud iyo kuwa culus.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Shisheeyaha, waxaana howlgalladan ay qeyb ka yihiin howlgallada joogtada ah ee ay ciidamada Al-Shabaab ku qaadaan goobaha ay Shisheeyaha iyo ciidamada DF ka joogaan dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.