Taliye Cali Gaab Oo ka badbaaday isku day dil.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa qarax lagula eegtay Cali Gaab oo kamid ah masuuliyiinta ciidamada booliiska ee dowladda federaalka.

Cali Gaab iyo ilaaladiisa oo maraya isogyska Banaadir ee degmada Hodan ayaa mar qura waxaa qabsaday qarax xoogan, isagoona si dirqi ah kaga badbaabaday.

Cali Gaab oo hadda aha taliyaha hogaanka caafimaadka ee ciidamada Booliiska ayaa isagoo qalqalsan wuxuu muuqaal uu soo dhigay internetka ku sheegay inuu ka badbaaday weerarka, uuna dhintay askari kamid ah ilaaladiisa, saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Ninkan ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidamada Taraafikada ee magaalada Muqdisho, wuxuuna kamid yahay masuuliyiinta ugu caansan dhanka booliiska ee dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.