WAR DEG DEG AH: Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in Maalinta berri ah ay tahay Ciidul Fitri.

Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddex deegaan oo ka tirsan Wilaayaatka Islaamiga ah.

Markabka qadaha ayaa sheegay in dad Muslimiin ah oo gaaraya ilaa 15 qofood kuna dhaqan Wilaayaatka Islaamiga ah ay arkeen dhalashada bisha Shawaal.

Deegaanada laga arkay bisha Shawaal ayaa waxaa kamid ah Degmada Ufuroow ee Wilaayada Baay & Bakool, Deegaanka Waraha Dhoobleey ee Wilaayada Jubbooyinka iyo duleedka deegaanka Gamboole ee Wilaayada Shabeellada Dhexe.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka qadaha ayaa lagu sheegay in 10 qofoof oo Muslimiin ah ay bisha ku arkeen duleedka Gamboole, 3 kalena ay ku arkeen Waraha Dhoobleey halka 2 qofood oo kalena ay ku arkeen Degmada Uffuroow

Sidaas daraadeed Maktabka Qadaha ee Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta berri oo Sabti ah ay tahay ciidul Fitri.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha Mujaahidinta ayaa dadka Muslimiinta ah loogu hambalyeeyay ciidul Fitriga waxaana loogu baaqay inay dadka masaakiinta ah caawiyaan farxada ciidana la qaybsadaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.