Weeraro kala duwan oo ka kala dhacay Gobollada Shabeellooyinka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay fuliyeen howlgallo kala duwan oo beegsaday xubno katirsan dowladda federaalka iyo maamulka Hir Shabeelle.

Magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa qarax lagu weeraray guri uu deganaa xillibaan katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan, hase ahaat wuu ka badbaaday xillibaanka, sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah.

Degmada Afgooye waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada dowladda federaalka. Rag hubeysan ayaa toogtay askarigan oo ku caan ahaaa Afqashin.

Magaalada Marko, waxaa iyana ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka, waxaana jira khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada Dowladda federaalka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee ay ciidamada Mujaahidiinta ka fulinayaan gobollada kala duwan qeybaha ay ka joogaan Shisheyehaa iyo Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.