Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo ku dhawaaqday Gudi qaabilsan Coronavirus.

Maktabka Siyaasadda iyo wilaayaatka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku magacaabay gudi qaabilsan arimaha  cudurka Coronavirus ee caalamka ku laayay dad aad u farabadan.

“Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab.

Masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kulan ay qaateen waxay iskula gorfeeyeen halista Coronavirus, inkastoo aanu soo gaarin wilaayaadka islaamiga, waxayna isla qaateen in la magacaabo gudi ka kooban dhowr xubnood oo isuga jira dhakhaatiir, Odayaal dhaqan iyo culimada diinta Islaamka.

“Sidaas daraadeed maadaamada ummada Muslimiinta ah ay yihiin bulsho nolol wadaag ah kana dhexeeyaan dano farabadan isku socodkooduna badanyahay ayaa arintaas waxay keeni kartaa in cudurku kasoo gudbo dhulalka iyo wadamada uu hadda ka jiro uuna soo gaaro deegaanada ka fayoow hadda ee aanu weli saamaynta ku yeelanin.
Hadaba, iyadoo laga duulayo mas’uuliyada ka saaran Wilaayaatka Islaamiga ah ilaalinta badqabka caafimaadka dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa la magacaabay Guddiga Lasocodka Xaalada Cudurka Karoona ee Wilaayaatka Islaamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.