14 Askari Oo Itoobiyaan ah Oo lagu dilay Weeraro ka dhacay Baay.

Todobaadkii labaad ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa la kulmaya weeraro culus oo kaga imaanaya dhanka ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo dhacaya wadada xiriirisa Qansaxdheere iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Warar lagu kalsoonyahay oo la helayo waxay tilmaamayaan in kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay Qansaxdheere kuna sii jeeday Bardaale ay shalay weeraro qaraxyo iyo kamaa’in isuga jira kula kulmeen wadada, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Qaradxyada la xaqiijiyay in shalay oo keliya lala helay ciidamada Itoobiyaanka waxay gaarayaan illaa lix qarax, ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale.

Ciidamadan la kulmaya weerarada ayaa billowgii todobaadkii hore waxay kasoo baxeen Bardaale iyagoo sahay u sida ciidamada Xabashida Itoobiya ee Qansaxdheere jooga, todobaad kaamil ah ayayna ku jireen wadada, iminkana waxaa muuqaneysa inuu u billowdo todobaad kale oo dhiig ah maadaama ay doonayaan iney ku laabteen Bardaale.

Isku dar khasaaraha sii socod iyo soo socodba gaaray ciidamada Xabashida Itoobiya waxay gaarayaan dhimashada 14 askari Itoobiyaan ah, iyadoo ay jiraan dhaawacyo intaa kabadan.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa u muuqanaya kuwa wacdaro taariikhi ah u dhigaya ciidamada Xabahsida ee kusoo duuley dalkeena Soomaaliya, waxaana Itoobiyaanka cadaawad fog oo taariikhi ah u qabaan umadda Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.