Toban Askari Itoobiyaan ah Oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Baay.

Wararka ka imaanaya wilaayada islaamiga ah ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in maalintii shalay weeraro qaraxya ah lala beegsaday ciidamada xabashida Itoobiya.

Weerardaan oo gaarayay illaa 7 qarax ayaa xabashida lagula beegdsaday inta udhaxaysa Bardaale iyo Yurkud oo kawada tirsan wilaayada islaamiga ah ee Baay iyo Bakool.

Qaxarxyada kadib ayaa waxaa ciidamada Itoobiyaanka qabsaday kamiin markii dambe isku badalay dagaal xooggan.

10 askari oo katirsan ciidanka xabashida ayaa halkaasi ku qurbaxay, halka tira kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada xabashida Itoobiya ayaa si xun ugu la’anaya wilyaada islaamiga ah ee Baay iyo Bakool, halkaasi oo marar badan lagula beegsaday weeraro kala duwan.

Ciidamada hadda la kulmaya weeraradan waxay kusii jeedaan sida warar ay tilmaamayaan dalka Itoobiya, halkaas oo ay markii hore ka yimaadeen iyagoo sahay ciidan usoo qaaday askartooda ku go’doonsan qeybo kamid ah gobolka Baay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.