Al-Qaacidada Jaziiratul Carab Oo War kasoo saaray Dilkii Sh. Abuu Muscab Cabdil Waduud.

Sheekh Abii Muscab Cabdil Waduud

Mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim ayaa baahisay bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, kaas oo looga tacsiyeeyay istish-haadka Ash-Sheykh Abii Muscab Cabdil Waduud, amiirkii hore ee Mujaahidiinta Maqribul Islaam, kaas oo uu Faransiisku ku dilay weerar uu ka geystay wuqooyiga Maali.

Furfurasho kadib, waxaa bayaanka lagu yiri “ anagoo ah Al-Qaacidada Jaziiaratul Carab, waxaan nafteena, walaalaheena jooga Maqribul Islaam, hogaanka guud ee Al-Qaacida iyo guud ahaan umadda Islaamka uga tacsiyeyneynaa istish-haadka hogaamiyaha halyeyga ahaa, iyo imaamka geesiga ahaa ee Cabdil Maalik Darogdaal, oo loo yaqaano Abii Muscab Cabdil Waduud, kadib masiiro iyo cimri lagu buuxiyay nafhur” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.

Wuxuu bayaanku intaas ku daray in Sheekh Abii Muscab Cabdil Waduud uu ahaa qof leh tajaarub dheer, waaya aragnimadiisana ay banaanka soo dhigtay imtixaanaatka, sidii uu maalinba uga sii gudbayay jaranjarooyinka masuuliyaadka JIhaadkana uu gaaray manziladda ugu sareysa oo ah shahaadada, oo uu ku heley gacanta Faransiiska Saliibiga ah.

“ Haa wuu shahiiday Sheekh Abuu Muscab, iyadoo ruuxdiisu ay dhex gashey kalimaadkiisa, dhiigiisana uu ku dhex socday xididada dacwadiisa, markaas bay quluubtu saameyn ku yeesheen.. waxaana kalimaadkaas kamid ah “ waxaan ku tirineynaa macaanida ugu sareysa ee guusha iney kamid tahay ku sugnaanta Ahdaafta iyo Mabaad’ida, iyo inaan la bedelin, gorgortanna laga gelin, Allaahna waxaan waydiisaneynaa inuu nagu sugo diinkiisa illaa aan kala kulanno” ayaa lagu yiri bayaanka taczida ah ee kasoo baxay hogaanka saree e Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, kuna saabsan taczida sheikh Abii Muscab Cabdil Waduud.

Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab waxay shaac ka qaadeen in Jihaadka uu sii socon doono kuna xirneyn istish-haadka hogaamiye, Faransiiskana uu fisho weeraro waaweyn oo gilgila danihiisa.

“Haa wuu shahiiday Sheekh Abuu Muscab Cabdil Waduud, Jihaadkuna baaqi ayuu ahaan doonaa inta ay diintu baaqi sii tahay, loolankuna joogto ayuu ahaan doonaa intaba Xaqqa iyo Baadhilka ay joogaan, weeraraduna way sii socon doonaan intaba ay diimuhu kala duwanyihiin, dhulkana uu dhulkii yahay, samadana ay samadii tahay, basharkana uu basharkii yahay, waxa isbedelana waa in hogaamiye uu rayaada u dhiibay hogaamiye kale, Faransiiskuna wuxuu kusii maashoobi doonaa haadaanta iyo bohollada dagaallada, mustaqbalkana waxaa qabsan doona weerara kaga yimaada halyeeyada Maqribul Islaam ee jooga Maali iyo Aljeeriya” ayaa lagu yiri bayaanka taczida ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.

Bayaankan kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dalka Maali uu Faransiisku ku dilay hogaamiyihii Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Maqribul Islaam, waxaana lagu xaqiijiyay khabarka istish-haadka sheekha kalimad ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Andalus oo uu jeedinayo sheikh Abuu Cabdul Ilaah oo ah masuulka warfaafinta ee Mujaahidiinta Al-Qaacidada Maqribul Islaam.

Bayaanka kasoo baxay Al-Qaacidada Jaziiratul Carab wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sidan oo kale ay kaga tacsiyeysay istish-haadka Sheekh Abii Muscab Cabdil Waduud, waxaana mu’assasada Al-Kataa’ib baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Waxaan halkan tacsideena barax tiran uga direynaa walaalaheena Mujaahidiinta ee jooga Maqribul Islaam, iyo ehellada Sheekh Abii Muscab iyo walaalihiisa, dhamaantooda Alle ha u naxriiste, waxaan Allaah u waydiineynaa inuu ku ilhaamiyo sabar iyo waxay musiibada ku hilmaamaan, kana ajar siiyo musiibadooda, uguna bedelo wax ka kheyr badan, waxaan sidoo kale Mujaahidiinta Maqribul Islaam ku boorineynaa iney sugnaadana, adkeystaan kana aargutaan Saliibiyiinta xaasidiinta ah. Muslimiintu kagama baran reer Maqribul Islaam intii ay taariikhdu jirtay waxaan ka ahayn ad adeyg iyo lagu darnaado gaalada, ee laba laaba camaliyaatkiina, daran dooriya weeraradiina, waxaana idin kaga digeyna wahniga” ayaa kamid ahaa bayaanka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.