Askar iyo Saraakiil lagu dilay howlgallo ka dhacay Muqdisho.

Habeenkii xalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay xubno katirsan Dowladda federaalka.

Dilalkan waxay ka kala dheceen degmooyinka Howlwadaag iyo Huriwaa, waxaana loo kala geystay gudoomiye waaxeed iyo askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee fuliyay howlgalladaas ayaa si nabadi ku dheehantahay kaga tagay goobta, markii ay ku guuleysteen iney xaqiijiyaan hadafkooda.

Muqdisho dilalka ka dhanka ah ciidamada, xubnaha iyo masuuliyiinta Dowladda federaalka ayaa joogta ka ah, waxaana inta badan howlgalladaas fuliya ciidamo qarsoon oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.