Askar katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu dilay Jannaale iyo Duleedkeeda.

Saacadihii lasoo dhaafay, milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxay ka fuliyeen gudaha Jannaale iyo duleedkeeda, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Dowladda federaalka.

Weerarada waxay isugu jireen kuwa toos ah iyo qaraxyo xoogan, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan oo gaartay ciidamada Dowladda federaalka.

Warar lagu kalsoona karo waxay xaqiijinayaan in weeraradaas lagu dilay shan askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, halka lagu dhaawacay lix kale.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraradan kadib waxay dib ugu soo laabteen halkii ay ka duulaan tageen, iyagoo nabdoon.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale gudaha Jannaale lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka, waxayna weeraradu ahaayeen kuwa toos ah iyo kuwa loo adeegsaday duqeymo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.