Askar katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo lagu dilay Fagaare ku yaala Buula Fullaay.(DHAGAYSO)

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa fulisay xukun “xaddu Riddo” ah oo lagu fuliyay ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Eedeysanayaasha la hor keenay maxkamadda waxaa lagu kala magacaabaa Cismaan Daahir Cali, oo 31 sano jir ah, ahaana askari katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa dowladda federaalka, wuxuuna sidoo kale ahaa ninka istaafka Xasan Eelaay oo kamid ah golaha wasiirada maamulka Koonfur galbeed.

Askariga labaad waxaa lagu magacaaa Axmed Shariif Cabdil Waaxid, oo 28 sano jir ah, wuxuu katirsanaa ciidamada booliiska maamulka Koonfur galbeed.

Labadan askari waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xilli si dhuumaaleysi ah ay ku marayeen deegaanno katirsan wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool.

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala magaalada Buula Fullaay ee wilaayada Baay iyo Bakool wuxuu kaga dhawaaqay xukunka, isagoo halkaas ka sheegay maraajicda loo cuskaday.

Wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya waxaa ka dhaca xukunno waafaqsan shareecada Islaamka, waxaana qofka marka eedeymo loo soo jeediyo la hor keenaa maxkamadaha islaamiga, halkaas oo si cadaalad ku jirto loogu qaado wixii uu muteystay.

Shisheeyaha kusoo duulay dalka Soomaaliya iyo hay’adaha reer galbeedka ayaa garsoorka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uga marqaati kacay garsoor hufan oo cadaalad ah.

Halkan ka dhagayso Xukunka oo u akhrinayo mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.