Askari katirsna Dowladda Federaalka Oo Muqdisho ku dilay Haweeney.

Wali waxaa magaalda Muqdisho ka dhacaya dilalka wuxuushnimada ah ee ay geysanayaan askarta Dowladda federaalk,  islamarkaana ay kula kacayaan qeybaha kala duwan ee shacabka.

Habeennimaddii xalay askri katirsan Dowladda Federaalka ayaa dil bareer ah ugeestay haweenay kamid ahayd dadka ku dhaqan Muqdisho.

Haweenayda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xamdi C/llaahi, taas oo ka shaqayneysay xarun ay dumarku isku qurxiyaan oo ku taalla wadada Makka Al-Mukarrama.

Xamdi ayaa markii dilka loo geysanayay kasoo baxday xarunteeda ganacsiga iyadoo kuii jeeday xaafadda ay daganeyd.

Dilkeeda ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay warshadda caanaha ee degmada Hodan, xilli ay saarneed mooto bajaaj.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka gabadhaan, askarta dowladana waxay reer Muqdisho isaga dilaan sabab la’aan, iyadoo mararka qaar ay dilaan iyagoo doonaya iney ka dhacaan hantida ay wataan.

Wuxuuna dilkeeda kusoo beegmayaa iyadoo waayadii udambeeyay magaalada Muqdisho ay kusoo badanayeen dilalka ay ciidamada Dowladda federaalka u gaysanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.