Banaanbaxyo ka dhashey dil ay geysteen ciidamada oo soconaya Itoobiya.

Qeybo kamid ah dalka Itoobiya waxaa si weyn ku socda bannanbaxyo gil-gilay dalkasi kadib markii xalay la dilay nin Oromo ah islamrkaana ahaa fannaan caan ka ah dalka gaar ahaan qowmiyada Oromda dhexdeeda.

Goobaha caanka ah iyo waddooyinka waweyn ee wadankaas ayay dadka isku soo baxeen iyagoo sameynaya falal ka dhan ah ciidamada amniga, siddo kalena burburinaya taalooyinka ku yaal wadnkas itoobiya, iyagoo kasoo horjeeda dilka loo geystay fanaanka.

Banaanbaxyada xoogooda waxay ka soconayaan magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana dadka careysan ay gubeen taallada boqor Minilik oo ahaa madaxdii soo maray talada Itoobiya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa sheegay in uu ka xun yahay dilka loo geeystay Hachalu Hundesa, waxaa uu sidoo kale dadka ugu baaqay in ay isdejiyaan. hadalkan ayaana u muuqda mid lagu qancinayo shacbka careysan.

Itoobiya ayaa ah dal ballaaran oo ay ku noolyihiin qowmiyado kala gedisan oo kala diin ah, waxaana mar weliba dhaca banaanbxyo xoogan oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuwaas oo awood milliteri la isugu hayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.