Ciidamada Al-Shabaab Oo Dagaal kula wareegay Balcad.

Askari katirsan Al-Shabaab oo ku sugan xarunta maamulka Balcad.

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in magaalada ay marti gelisay dagaal dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda federaalka.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa labo kontorool oo ay askarta Dowladda federaalka kaga sugnaayeen Balcad ka weeraray, waxaana ciidamada Dowladda ay ka carareen degmada Balcad.

Warar la helayo waxay sheegayaan in ciidamada Dowladda federaalka ee firxaday ay galeen xerada ciidamada Burundi ay kaga suganyihiin Balcad, halkaas oo ay kaga gambanayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Lama hayo faafaahin intan kabadan, waxaana uu kusoo aadayaa weerarkan iyo la wareegitaanka Mujaahidiinta ee Balcad xilli dhawaan banaanbax ka dhacay degmadaas ay dadweynuhu sheegeen iney soo dhaweynayaan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.