Ciidamada maamulka Jubbaland Oo lagu weeraray Dhoobley.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro xoogan ku ekeeyeen ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Dhooobley ee dhaca xuduud beenaatka Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu soo waramayaa iney jirto waxyeello kla duwan, inkastoo faafaahin rasmi ah laga helin.

Goobjoogayaal waxay soo sheegeen iney maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo takbiirta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo marka ay dagaallamayaan inta badan takbiirta afka ku haya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.