Ciidamo daacad u ah Maraykanka Oo lagu Weeraray Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar kamiin ah u dhigeen askar daacad u ah ciidamada Maraykanka ee jooga saldhiga Ballidoogle ee gobolkaas.

Askarta kamiinka loo dhigay waxay ku safrayeen iyagoo moota wata wadada xiriisa Afgooye iyo Wallaweyn oo kamid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kamiinka lagu dilay ugu yaraan labo askari.

Hubkii ay wateen askarta kamiinka lagu dilay ee daacadda u ah Maraykanka, loona yaqaano Danab ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku furteen weerarka.

Wadada xiriirisa Wallaweyn iyo Muqdisho waxay marar badan marti gelisay weeraro iyo qaraxyo xoogan oo lala eegtay ciidamada uu ku adeegto Maraykanka, waxaana weeraradaas ay dhaliyeen khasaare kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.