Dagaallo lagu qaaday Shisheeyaha oo ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Habeenkii xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen difaacyo ay ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ay ku leeyihiin qeybo kamid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada hoose.

Haddii aan ku hormarno Shabeellaha Hoose, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday difaacyada askarta Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ku leeyihiin deegaannada Ceel Jaalle, Donow iyo Bariire.

Dagaallada oo ahaa kuwa isku xilli dhacay ayaa xooganaa, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo difaacyada qaar laga maqlayay qeylada askarta Shisheeyaha oo u muuqday kuwa lagu kediyay rasaasta.

Dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka dagaallamey afaafka hore ee difaacyada ay weerarka ku qaadeen, waxaana ka dhashey khasaare kala duwan oo gaaray Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka, inkastoo tiro rasmi ah aan helin.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray difaacyada ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Hosingow ee Jubbada hoose.

Dagaalka wuxuu ahaa mid culus, in muda ahna socday, waxayna goobjoogayaal soo sheegeen inuu jiro waxyeello kala duwan oo gaartay Kenyaatiga iyo askarta maamulka Jubbaland.

Dagaalladan waxay qeyb ka yihiin howlgallada joogtada ah ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadaan goobaha ay Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleeyada Itoobiya ku daaban kaga suganyihiin dalka Soomaaliya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.