Camaliyad Nafhurnimo oo Lala Beegsaday Rag Saraakiil Ahaan Loogu Tababarayay Xerada Turkida Ee Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar nafhurnimo ah la beegsatay ciidamo badan oo Soomaali ah oo loo tababarayay Layli sarkaal, kuwaasoo fayl ugu jiray si ay u galaan xerada Turkida ee Muqdisho.

Ciidamadan ayaa mar qura lala beegsaday qarax weyn oo meelo badan laga maqlay islamarkaana sababay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobta ayaa waxaa weerarka kadib isku gedaamay ciidamo badan waxaana warbaahinta loo diiday iney sawirro ka qaataan.

Saraakiisha DF ee Madaxtooyada ayaa 20 daqiiqo kadib dhacdada billaabay iney saxaafadda caburiyaan islamarkaana ku qasbaan ineysan sheegin wixii ay arkeen ama ay ogaadeen balse ay sheegaan warka ay dowladdu ku dhawaaqdo oo kaliya.

Gaadiid badan oo nooca gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka ay camaliyaddu ka dhacday si ay u qaadaan dhaawacyada ciidaamda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dhankeeda waxay si horudhac ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, inkastoo faahfaahinta dhacdaduna laga dhowrayo daqiiqadaha ama saacadaha soo socda.

Waa weerarkii labaad ee nocan ah ee dhaca todobaadkan. Kii hore waxaa lagu qaaday xero ku taalla degaanka Bacaadweyn ee Mudug oo uu maamulka Galmudug ciidamo ku tababaranayay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.