Dufcad ka qalin jebisay Ololaha Carabiyeynta Dadka ee Jubbooyinka.(Sawirro)

Magaalada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka waxaa ka dhacay munaasabad ballaaran oo lagu maamusayay dufcada koowaad arday ka qalin jebisay mashruuca Carabiyeynta dadka, oo ay wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka kaga dhawaaqday wilaayadaas.

Munaasabad si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta mu’assasada Al-Xikma ee Jilib, waxaana kasoo qeybgalay culimo, Aqoonyahanno iyo nabadoonnada wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.

Ardeyda ka aflaxay xamladan oo isuga jira gabdho iyo wiilal ayaa goobta kusoo bandhigay bandhig xiiso lahaa, iyagoo ku hadlayay luuqadda Carabiga, waxaana dowradan loogu magacdaray imaamkii weynaa ee luuqadda Carabiga Asmaci.

Halkan ka daawo Sawirro laga soo qaaday munaasabadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.