Duqeyn Lagu garaacay ciidamada Jabuuti ee degan Beledweyne.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga ciidanka Jabuuti ee ku yaalla duleedka magaalada Baladweyne.

Weerarkan duqeynta ah oo socday muddo tobannaan daqiiqo ah ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday xerada Jabuutiyaanka iyadoo magaalada laga maqlayay dhawaqa madaafiicda.

Saaka waaberigii hore, waxay saraakiisha Jabuuti canaan kala duldhaceen taliyaasha ciidamada Hirshabelle ee ku sugan magaalada kadib markii ay ku eedeeyeen ineysan waxba ka qaban ciidamada Al-Shabaabulmujaahidiin ee weerarka soo qaaday.

Illaa iyo hadda lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka duqeynta ah ee lagu qaaday saldhigga Jabuutiyaanka.

Kulamo ay dhowr jeer qaateen Taliska ciidamada shisheeye ayaa waxaa looga hadlay weerarada madaafiicda ah ee lagu qaado xeryahooda iyadoo la muujiyay inuu khasaarahoodu badan yahay, waayo haddii askarigu uu xabbadda kaga dhuumanayay god ama dhufeys korka ka furan, wuxuu u nugul yahay duqeynta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.