Gawaari Dagaal oo Ciidamada Bankrafta Looga gubay Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada uu Maraykanku tababaray ee Bankrafta ay weerar fashilmey kusoo qaadeen deegaanka Leego ee gobolkaas, waxaana la gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacadda Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in dagaal qabsaday ciidamada Bankrafta looga gubay gaari Taw a iyo mid Cabdi bile ah.

Ciidamada Bankrafta ayaa iyagoo fashilmey waxay ku laabteen halkii ay duulaanka kasoo qaadeen oo ah saldhiga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamadan Bankrafta ay kamiin ugu dheceen inta u dhexeysa Wallaweyn iyo Afgooye, halkaas oo looga fara maroojistay hub kala duwan, khasaarena lagu gaarsiiyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.