Gudoomiyaha Buurdhuubo Oo si Dirqi ah kaga badbaaday Weerar.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Shariif ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu dilo, kaas oo ka dhacay gudaha degmadaas.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan habeenkii xalay waxay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka degmada Buurdhuubo, halkaas oo ay ku beegsadeen gudoomiyaha degmada iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Cabdullaahi Shariif ayaa si dirqi ah kaga badbaaday weerarkan qorsheysan ee lagu doonayay in lagu dilo, waxaana goobta lagu dilay mid kamid ah ilaaladiisa oo lagu magacaabo  Gaarane.

Gudoomiyaha badbaaday ayaa u baxsaday saldhiga ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin gudaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Buurdhuubo waxay ka tirsantahay degmooyinka gobolka Gedo ee ku jira gumeysiga Xabashida Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.