Hay’da Xuquuqda Aadanaha Oo Markale ka hadashey Duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya.

Gabar dhalneyd 20 cisho oo ku dhimatay duqeyn Maraykanku ka fuliyay Kuunyo-barrow. Februarry-2019

Warbixin ka kooban tobanaan page oo ay soo saartay hay’adda Human Rights Watch ee sheegata iney u doodo xuquuqda Aadanaha ayaa markale waxay dowladda Maraykanka ku eedeysay iney xasuuq wadareed ka wado dalka Soomaaliya.

Warbixintan ayaa soo bandhigay waxyar oo kamid ah dhibaatada sii laba lixaadsatay ee diyaaradaha Maraykanka ka geysanayaan qeybo kamid ah Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Laba duqeyn oo horraantii sanadkan ka dhacay Soomaaliya ayaa lagu dilay 7 qof shacab ah waana xadgudub cad oo lagu sameynayo qawaaniinta dagaalka, ciidamada Mareykanka ma sameyn baaritaan ku filan oo ku saabsan duqeyn lagu dilay haweenay ku sugneed gurigeeda 2,Feberaayo ee lasoo dhaafay iyo weerar kale oo dhacay 10 March 2020 kaas oo lagu dilay 5 rag ah iyo canug yar kadib markii ay diyaaradi duqeysay gaari ay la socdeen” ayaa lagu yiri warbixinta.

Human Rights Watch waxay sheegtay in taliska ciidamada Maraykanka ee Africom uu ka been sheego xaqiiqda duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya, islamarkaana aaney jirin bartilmaameedyo milliteri oo ka ag dhawaa goobta lagu dilay dadkan shacabka ah ee aan waxba galabsan.

“Human Rights Watch ma helin wax daliil ah oo caddaynaya in goobaha weerarada xagga cirka ah lagu beegsaday ay ahaayeen bartilmaameedyo melleteri oo ay leeyihiin dagaalayahannada Islaamiga Al Shabaab, hoggaanka Mareykanka Afrika iyo xukuumadda soomaaliya midkoodna lama xiriirin ehellada dhibanayaasha mana sameyn baaritaanno si ay uqiimeeyaan sheegashooyinkooda ayna usiiyaan magdhow” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta oo sii socota waxay intaas ku dareysaa “Melleteriga Mareykanka masameyn baaritaanno dhab ah oo ku saabsan duqeymihii ugu dambeeyay ee uu ka geystay Soomaaliya laguna dilay laguna dhaawacay dad rayid ah kuwaas oo ah xadgub cad oo ka dhan ah qawaaniinta dagaalka” sidaas waxaa tiri Laetitia Bader oo ah agaasimaha hay’adda HRW ee geeska Afrika.

Warbixinta hay’adda Human Rights Watch waxay sidoo kale soo hadal qaaday duqeyn ka dhacay Jubbooyinka oo lagu dilay haweeney waayeel ah oo 70 sano jir ahayd, iyadoo in la is waydiiyo u baahan waxa keenaya in la beegsado qof sidaas waayeel u ah oo aan waxba galabsan.

Dhowr jeer oo hore hay’adan waxay warbixinno kasoo saartay duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya, iyadoo si toos ah ugu eedeysay Maraykanka inuu ka been sheego duqeymaha, qof kasta oo ay ku dilaan duqeymahana ku tilmaama iney yihiin xubno katirsan Al-Shabaab.

Inkastoo hay’addan ay soo hadal qaaday waxyar oo kamid ah dhibaatada uu Maraykanka ka geysanayo Soomaaliya, hadana waxay warbaahinta xaqiiqa doonka ah diiwangeliyeen dhacdooyin ka badan inta lagu sheegay warbixinta, waxaana tani ay weji gabax ku tahay Maraykanka sheegta inuu ka shaqeynayo horumarka Umadda Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.