Howlgal Aad loo hadal hayo oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Deegaanka Weydow ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kamiin u dhigay askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka, kuwaas oo ay khasaare kala duwan gaarsiiyeen.

Ugu yaraan hal askari ayaa Weydow lagu dilay, halka mid kalana lagu dhaawacay, waxaana ragga katirsanaa Mujaahidiinta ay horey usii qaateen mooto ay wateen askarta la beegsaday.

Dilalka qorsheysan iyo howgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa joogto ka ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.