Inkabadan 20 Askari Oo Dhimasho iyo dhaawac ku noqday Kamiinkii Xudur.

Faafaahinna dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha askarta maamulka Koonfur galbeed ee ka hoos shaqeeya Xabashida kasoo gaaray weerar kamiin ahaa oo maalintii shalay ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heleyso idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay xaqiijinayaan in kamiinkaas lagu dilay askar badan, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale, islamarkaana lagu burburiyay gawaari dagaal oo ay wateen ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Marka laga hadlo tirada dhimashada, waxaa la xaqiijiyay in kamiinka lagu dilay 15 askari oo mid uu sarkaal yahay, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale, waxayna dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab goobta ku burburiyeen labo gaari oo nooca dagaalka ah.

Waa dharbaaxshadii ugu kululeyd ee dhawaanahan la gaarsiiyo ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Lafta gareen, kuwaas oo kamid ah maamullada sida dhow ugu adeego dowladda Itoobiya oo kumanaan askari oo kamid ah ciidankeedu duulaan ku joogaan qeybo kamid ah Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.