Khasaaraha kamiinkii Xudur Oo kordhay iyo Dhaawacyo loo qaaday Muqdisho.

Waxaa aad usii kordhaya khasaaraha ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee ka hoos shaqeeya Xabashida kasoo gaaray kamiinkii cuslaa ee todobaadkan horaantiisa ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Tirada dhimashada guud ee gaaratay askarta maamulka Koonfur galbeed waa 19 askari, halka ay ku dhaawacmeen 35 kale, kuwaas oo u badan dhaawacyadooda kuwa halis ah, waxaana kamiinka lagu waayay oo halka ay jaan iyo cirib dhigeen la la’yahay 6 askari oo katirsnaa ciidanka maamulka Koonfur galbeed.

15 askari oo  ay saraakiil ku jiraan ayaa dhaawacyadooda loo qaaday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo xaaladooda caafimaad aad u liidato,  waxaana diyaarad ka dejisay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Marka laga hadlo gawaarida lagu burburiyay kamiinka waa 3 gaari oo noocyada dagaalka ah, kuwaas oo qaarkood ay ku rakibnayeen qoriyaasha lidka diyaaradaha.

Waa dharbaxshadii ugu cusleyd ee dhawaanahan la gaarsiiyo ciidamada maamulka Koonfur galbeed oo kamid ah maamullada ay ku adeegato dowladda Itoobiya, awaamiirtana ka suga magaalada Adis Ababa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.