Kudhawaad 20 askari Oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Afqaanistaan.

Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa weerar qorsheysan oo xoog leh waxay ku qaadeen difaac ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa xukuumadda Kaabul.

Weerarka waxa uu ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Kabiisa, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwdan oo gaartay askarta xukuumadda Kaabul.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa weerarkaas ku dhintay 17 askari oo katirsan ciidanka xukuumadda Kaabul, kuwaas oo ku sugnaa barta kontorool ee la weeraray.

Afqaanistaan waxaa ka dhacaya weeraro waaweyn oo qorsheysan, kuwaas oo ay Imaaradu ku qaadeyso goobaha ay ku suganyihiin askarta xukuumadda Kaabul.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.