Madaxweynaha Burundi Oo si lama filaan ah u Geeriyooday.

Waxaa si lama filaan ah u geeriyooday madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, sida ay ku dhawaaqday xukuumadda wadankaas.

Pierre Nkurunziza waxaa kusoo booday xanuun dhanka wadnaha ah taas oo keentay in sabtidii la dhigo isbitaal ku yaala bariga wadanka Burundi, halkaas oo maalmihii lagula tacaalayay.

War kasoo baxay dowladda Burundi waxaa lagu sheegay in Axaddii xoogaa ay soo roonaatay xaaladda Pierre Nkurunziza, balse Isniintii shalay ay kasoo dartay xaaladiis, isagoo ugu dambeyn geeriyooday.

Dhakhaatiirta daweneysay madaxweynihii Burundi ee geeriyooday ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka sheeganayay xanuun dhanka wadnaha ah oo kusoo booday.

Warar la isla dhexmarayo waxay sheegayaan in Pierre Nkurunziza uu u geeriyooday cudurka Corona virus, hase ahaate lama xaqiijin warkaas, dowladda Burundina kama hadlin.

Ninkan ayaa hogaaminayay dalka Burundi sanadihii lasoo dhaafay, waana ninka Soomaaliya usoo diray kumanaan askari oo ciidankiisa ah kamid ah kuwaas oo qeyb ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga wadankeena.

Waxaa macquul ah in geeridiisa ay saameyn ku keento ciidamada Burundi ka socda ee duulaanka ku jooga Soomaaliya, kuwaas oo marar badan la sheegay in dalka ay isaga baxayaan, oo lagu celinayo wadankooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.